Sbs Somali - Sbs Afomali
- Autor: Vários
- Narrador: Vários
- Editora: Podcast
- Duração: 114:59:30
- Mais informações
Informações:
Sinopse
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episódios
-
SBS Somali News Monday 5 June 2023
05/06/2023 Duração: 07minWararkii SBS Somali maanta oo Isniin ah 5 bisha June, 2023
-
-
Muxuu yahay sharciga laga qayliyay ee Uganda soo rogtay?
02/06/2023 Duração: 12minSharci ka dhan ah dadka isku jinsiga ah ee is guursada ayaa dalal badan iyo QM ay cabaareeyeen. Sharcigan ayaa waxaa ka mid ah in dil lagu xukumo dadka lagu helo danbiyo la xariira dadka isku jinsiga ah ee is guursada.
-
Somali_Settlement_guide_Rent_31052023
31/05/2023 Duração: 11minWaqtiga hadda la joogo in ka yar 50 kun guryo kiro ayaa dalka oo dhan ka jira. Labo sano ka horna tiradaas ayaa laban laab ahayd. Iyadoo tirade guryaha banaan ayaa taariqiyan ay aad u hooseeyaan, in la helo guri la kiraysato ayaa aad u adkaatay.
-
Falanqaynta go'aamadii Golaha Wadatashiga Qaran
31/05/2023 Duração: 08minWasiirkii hore ee wasaarada isgaarsiinta Soomaaliya Mohamed Ibrahim, ayaa nala wadaagay aragtidiisa ku aaddan go'aankii Golaha Wadatashiga Qaran.
-
Barnaamuj Musliiminta looga wacyigalinayo xanuunada dhimirka oo ka dhacay masaajidka Preston
29/05/2023 Duração: 18minBarnaamuj Musliiminta looga wacyigalinayo xanuunada dhimirka ayaa lagu qabtay masaajidka Preston ee woqooyiga Melbourne.
-
Warbixinta bandhiga Somali Healthcare Professionals
29/05/2023 Duração: 14minWaxaa maalintii Axada ahayd ee bisha May 28 lagu qabtay Melbourne bandhig caafimaad oo ay soo qabanqaabisay ururka Somali Healthcare Professionals oo kaashanaya Social Policy Group iyo Migrant and Refugee Health Partnership.
-
Sidee u dhacday doorashada Puntland?
26/05/2023 Duração: 09minDoorasho qof iyo cod ah ayaa markii ugu horaysa mudo ka badan 50 sano ka dhacay deegaanada Puntland. Boqolaal kun oo qof ayaa saf u galay goobaha cod bixinta 30 degmo oo laga qabtay doorashada.
-
Zahra Mustaf maxay ka baratay ololihii doorashadii 2022?
24/05/2023 Duração: 16minZahra Mustaf waxay isu sharaxday inay ka mid noqoto xildhibaanada federalka dalka Australia doorashadii 2022.
-
-
Yaa raba in AMSSA meesha laga raro, maxayse tahay sababtu?
19/05/2023 Duração: 08minAdam Salah "waxaan angu u malaynay in ueedada ka danbaysa howshan inay tahay inay meesha naga bixiyaan"
-
Muxuu yahay muranka hilib xalaalka Australia?
19/05/2023 Duração: 25minGolaha Qaran ee Imamada Australia ayaa dhawaan warbixin ay soo saareen waxay ku sheegeen in digaaga lagu qalo kawaanada qaarkood aysan xalaal ahayn maadaama digaagu dhintay ka hor inta aan la qalin. Go'aanka Imaamada ayaa waxaa ka hor yimid urur kale oo ay Muslimiintu leeyihiin.
-
SBS Somali full program Wednesday 17 May
18/05/2023 Duração: 54minIdaacadii u danbaysa ee SBS Somali
-
Somali_settlement_guide_carer_170523
18/05/2023 Duração: 11min9 kii qof ee Australian ahba mid ka mid ah ayaa qof kale xanaaneeya, dadka daryeela waayeel da’ ah oo ay qaraabo yihiin ama saaxiib yihiin, ama qof qaba xaalad caafimaad ama naafo ah. Laakiin inta badan qaar badan oo dadkaas ka mid ah isuma haystaan inay yihiin xanaaneeye, mana oga inay jiraan adeegyo taageero badan oo lacag la’aan ah oo ay heloi karaan.
-
Muslimiin ku kala aragti noqday xalaasha hilibka Australia
16/05/2023 Duração: 06minMaxaad samayn lahayd haddii ururka ugu wayn Muslimiinta Australia uu yiraahado, digaagii xalaasha ahaa ee qaboojiyaha kuugu jiray xalaal ma ah?
-
Melbourne: Kooxo Nazi ah iyo kuwo ka soo horjeeda oo mar kale isku dhacay
16/05/2023 Duração: 05minKooxaha xagjirka garabka midig ayaa dibabax ay uga soo horjeedaan soogalootiga ku qabtay Melbourne halkaas oo ay fooda isku dareen Booliska Victoria iyo kooxo kale oo ka soo horjeeda.
-
Somali_settlement_guide_family_120523
12/05/2023 Duração: 10minRabshada iyo falgaboodyada qoysku waxay Australia ka yihiin arimo daryeel iyo kuwo caafimaad uu waaweyn. Tirakoobyo la sameeyay ayaa muujinaya in 5 tii qof ee Australian ahba labo ka mid ah la kulmeen gacan ka hadal jireed ama xadgudub falgabood ah wixii ka danbeeyay markay 15 sano jirsadeen.
-
Soomaaliya ma horay ayay u socotaa?
12/05/2023 Duração: 17minSoomali badan ayaa niyad jab iyo walaac ka muujiya xaaladda dalku ku sugan yahay iyo jihada loo socdo. Abdirizak Hassan dadkaas ka mid ma aha, wuxuuna taa badalkeeda arkaa ilays iyo is-badal fiican oo socda.
-
Xagee caga dhiganayaa khliaafka Dawlada Federalka iyo Puntland?
10/05/2023 Duração: 12minTodobaadkan waxaa hadalo kul kulul warbaahinta isu marinayay madaxda Dawlada Federalka iyo kuwa Puntland.
-
Warbixin ku saabsan miisaaniyada sanadka 2023
10/05/2023 Duração: 08minWarbixinta miisaaniyada sanadkan 2023.