Sbs Somali - Sbs Afomali
- Autor: Vários
- Narrador: Vários
- Editora: Podcast
- Duração: 65:16:37
- Mais informações
Informações:
Sinopse
Listen to interviews, features and community stories from the SBS Radio Somali program, including news from Australia and around the world. - Ka dhagayso waraysiyo, warbixino iyo sheekooyinka jaaliyada barnaamujka idaacada SBS laanteeda Afsoomaaliga oo ay ku jiraan wararka Australia iyo kuwa caalamka.
Episódios
-
Baadhintaan ku socda kambaniyada Rideshare-ka, sida UBER
13/04/2021 Duração: 09minBaadhitaan, guddi Seneterro ahi u fadhiyaan ayaa dib loogu eegaya habka kambaniyada addeegga, sida Uber, Ola, Deliveroo iyo Menulog, ula dhaqmaan wadayaashooda. Waxaa muddo lagu eedaynayey kambaniyada noocan u shaqeeya inaanay wadayaasha gaadiidka adeegga ee u shaqeeya siinin xuquuq-da ay mudan yihiin.
-
Warkii Isniinta 12 April 2021
12/04/2021 Duração: 10minXisbiga Labour-ka ayaa dowladda dhexe ku boorriyey inay mar labaad qabtaan yoolka dhammays tirka tallaalka. Victoria ayaan weli dib u bilaabin tallaaladdii, halka Queensland sheegeen inuu sidiisii u socdo, aan ka ahayn kala beddelka tallaalada ee dadka konton sano ka yar iyo kuwa ka weyn. Qaybo ka mid ah Western Australia-na waxaa ku dhuftay duufaankii ugu xoog weynaa ee soo mara muddo afartan sannadood ah.
-
Waraysi: Saalah Du'aale - Dagaalka Somalida iyo Canfarta Ethiopia
08/04/2021 Duração: 18minSaalah Du'aale Miguil - Melbourne, ayaa si faahfaahsan uga warramaya dagaallada la sheegay inay geysteen khasaare nafeed iyo maalba ee u dhexeeya ciidamada dowlad-deegaanka Canfarta Ethiopia iyo Soomaalida deggan Galbeedka Gobolka Siti, ee Dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.
-
Waraysi Siyaasadda Soomaaliya - Aqoonyahan Mohamed Ibrahim
08/04/2021 Duração: 10minAqooyahan Mohamed Ibrahim oo waqtigan cilmi baadhid ku samaynaya jaamacadda University of Melbourne, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku aaddan is-qabqabsiga Siyaasadda ee madaxda Somalia.
-
Shirkii Jaalliyadda Galbeedka Melbourne 5-tii April 2021
07/04/2021 Duração: 11minShir si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay isugu yimaaddeen jaalliyadda Soomaaliyeed ee deggan xaafahadaha galbeedka Melbourne, sida Tarneit, werribee, Hoppers Crossing ee dowlad-deegaanka Wyndham ayaa ka dhacay xarunta United Soccer Club ee Tarneit. Shirkaa waxay bulshadu kaga tashadeen xoojinta xidhiidhka iyo wax-wada-qabsiga bulshada, midaynta taladooda iyo arrimo kale.
-
Sidee loo caawiyaa carruurta Autism-ka qabta?
06/04/2021 Duração: 11minSettlement Guide: Helping Autistic Children thrive with Autism. - Autism-ku waa xaalad caafimaad oo aan daawo la ogyahay lahayn. Laakin waxaa jira hab loo yarayn karo saamaynta dambe ee u ku yeesho carrurta, kaas oo ah in hore loo ogaado iyo in lagu dhaqo hab-daryeelka loo dejiyey. Waxaana jira taageero loo fidiyo carruurta Autism-ka qabta iyo qoysaskooda.
-
Warka Isniinta 5ta Apriil 2021
05/04/2021 Duração: 08minIyadoo uu weli sii kordhayo walaaca laga qabo gaabiska xawaaraha tallaalka COVID-19 ayaa haddana dowladda federaaliga ahi ku adkaysanaysaa, in qof kasta oo rabaa, dhammaadka October heli doono ugu yaraan mid ka mida labada tallaal. Gobolka Qeensland-na waxay galeen maalinkii labaad oo aan keys cusub laga helin bulshada dhexdeeda.
-
Raas oo qaatay Tallaalkii Soomaalidana ku boorriyey inay qaataan
01/04/2021 Duração: 07minAbdirahman Jaamac Cusmaan - Raas ayaa ka mid noqday Soomaalidii ugu horreysey ee Melbourne ku qaadatay tallaal-ka COVID-19, nooca AstraZeneca la yidhaahdo. Raas, ayaa ku boorrinaya bulshada Soomaaliyeed inay dhegaha ka furaystaan, been-abuurka tallaallada laga sameeyo, tallaalkana ay qaataan.
-
Warka Talaadada 30ka Maarso 2021
30/03/2021 Duração: 08minTirada keysaska virusta ee QLD ayaa gaadhey siddeed, iyadoo bulshado ku jirto maalinkii labaad ee xayiraadda dhaqdhaqaaqa, halka NSW-na hal keys laga helay. Ra'iisal- wasaare Scott Morrison-na wuxuu dib-u-habayn ku sameeyey golihiisa wasiirrada.
-
Warka Isniinta 29 Maarso 2021
29/03/2021 Duração: 10minMagaalo-weynta Brisbane ayaa lagu soo rogay saddex maalmood oo aan guryaha lagasoo bixi karin, wixii aan ka ahayn baahiya culus qaar ka mid ah, ka dib markii coronavirusta nooca UK toddoba qof laga helay. Waqooyiga galbeed ee Sydney-na waxaa ka bilaabmay qashing-gurrkii iyo nadiifintii daadadkii xoogganaa iyo webiyadii fatahay.
-
Loollankii Siyaasadda ee Soomaaliya Xaggee marayaa?
25/03/2021 Duração: 14minKhilaafkii siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa illaa hadda la xallin la'yahay. Garabka xukuumadda iyo siyaasiyiinta kale ee kasoo hor jeeda ayaan weli kulmin iyadoo ay u kala socdaan shirar kala gooni ahi. Qaar ka mid ah shacabka Muqdisha ayaa iyaguna ra'yigooda ka dhiibanayaa arrintaas.
-
Waraysi Ku Saabsan Baddii iyo Go'aan Laga Filayo Maxakamadda ICJ
24/03/2021 Duração: 19minKhilaafkii badda ee Kenya iyo Somalia oo in badan soo jiitamey, marxalado kala duwanna soo maray ayaa maxakamadaa ICJ go'aankeedii kama dambaysta ahaa la sugayaa. Waxaa waraysigan si qoto dheer ugaga warramaya Qareen Mubaarak Abdi Ismail.
-
Sida Loogu Badbaado Ka Jillaabashada Dhagax Korkiii
23/03/2021 Duração: 10minXeebaha quruxda badan ee Australia ayaa sannad kasta soo jiita kumaankum dad ah oo jecel inay ku raaxaystaan jillaabsiga kalluunka iyagoo ku dul taagan dhagxaanta waaweyn ee biyaha badda cirifkeeda ku yaalla. Qaarkood ayaa aqoon iyo feejignaan la'aan awgeed ugu dhinta sannad kasta. Laakiin waxaa jira hab taas looga badbaadi karo.
-
Australia oo dib u bilaabaysa Viisayaasha Aradada iyo Shaqaalaha
22/03/2021 Duração: 06minWasiirka cusub ee socdaalka Australia ayaa hadda ku talo jira in Australia dib loo bilaabo viisayaasha ardayda iyo shaqaale xilliyeedka caalamka ka yimaadda dib loo bilaabo, ka dib markii hore loo joojiyey bilowga COVID-19ka
-
Qorshe Cusub Oo Lagula Dagaallamayo Isir-necaybka Australia
19/03/2021 Duração: 04minDhibaatooyinka iyo weerarradda isir-necaybka ayaa kusii badanaya Australia. Dowladda Australia ayaa hadda aqbashay qorshe cusub oo la daahfuray si loo dar-dar geliyo la dagaallanka fekerka iyo falalka isir-neceyb kaba.
-
Tallaalka AstraZeneca oo ka bilaabmaya Soomaaliya
18/03/2021 Duração: 09minWaxaa hadda Soomaaliya laga bilaabay tallaalka AstraZeneca. Magaalooyinka Muqdhisho, Garoowe iyo Hargeysa ayaa loo kala qaybiyey shixnaddii ugu horreysey ee dalka timaaadda.
-
Dareenka Rajo La'aanta Maxaa keena Sideese Looga Hor Tagaa?
18/03/2021 Duração: 06minCudurkan COVID-19 ee safmareenka ahi wuxuu dadka qaar u keeney wel-wel, murug iyo xataa rajo gab. Astaamahaasina waa kuwa, haddii aan laga hor tegin, ama markay muuqdaan la qabanin, usii gudbi kara jirro maskaxeed. Waxaase jira hab looga hor tegi karo.
-
Tallaalka AstraZeneca Oo Shakigiisu Sii Badanayo
16/03/2021 Duração: 04minWaddamo reer Yurub ah ayaa hakiyey isticmaalka tallaalka AstraZeneca oo ay uga shakiyeen inuu sababo dhiig-xinjirow. Laakiin WHO waxay ku boorrinaysaa waddamada adduunka, in aanay joojinin.
-
Warka Isniinta 15 March 2021
15/03/2021 Duração: 04minBannaan bax looga soo hor jeedo tacaddiyada iyo dhibaatooyinka kale ee la xidhiidha galmada haweenka ayaa manta Australia ka dhacaya. AltraZeneca-na waxay sheegtay inaan caddayn loo haynin in tallaalkoodu sababay dhiig-xinjiroow iyo dhimasho
-
Faa'iidooyinka jimicsiga iyo kooxda Ila Orod
12/03/2021 Duração: 07minKoox la dhisay dalka Sweden sanad ka hor ayaa dhiiraglin u noqotay Soomaali badan oo caalamka kala jooga.Cabdiwahaab Qalinle oo deggan Melbourne ayaa sheegay in kooxdaasi ay ku dhiiraglisay inuu jimicsi badan sameeyo, uuna caafimaadka ka dareemay isbadalkan.